Siirry sisältöön
Käytämme sivustolla evästeitä. Jatkamalla hyväksyt evästeiden käytön. Lisätietoja
Hae
Valikko
a a
Kolme opiskelijaa istuu pöydän ääressä juttelemassa iloisesti.

Dugsiga dhexe ee dadka waaweyn (aikuisten perusopetus somaliksi)

Ku socda dadka soo galootiga ah

Waxbarashada dugsiga dhexe ee dadka waawayn waxaay u kala qaybsantahay saddex qaybood: qaybta barashada wax akhriska, qaybta bilowga iyo qaybta dhammaynta. Waxaad waxbarashada ka bilaabaysaa qaybta adiga kugu habboon waxaana laguu qorayaa qorshe waxbarasho oo gaar kuu ah. Waxbarashada waxaa ku jira hagitaan waxbarashada ah iyo barashada xirfada nolosha shaqada.

Qaybta barashada wax akhriska

waxaa la baranayaa luqadda finishka, xisaab, aqoonta bulshada iyo dhaqanka, juyuqraafi iyo saysansiska iyo maaddoyin si xor ah loo dooran karo. Hiigsigu wuxuu yahay in la gaadho heerka aqoonta wax akhriska iyo wax qoraalka oo loo diyaariyo qofka in uu sii wadan karoo waxbarashada dugsiga dhexe qaybtiisa hore.

Uma baahnid aqoon luqadda finishka ah oo hore.

Waxaay qaadanaysaa sanad dugsiyeedka oo dhan.

Qaybta bilowga

maadooyinka la baranayo waxaa weeyaan luqadda finishka, ingiriis, xisaab, aqoonta bulshada iyo dhaqanka, juyuqraafi iyo sayansis, aqoonta caafimaadka iyo maaddoyin si xor ah loo dooran karo.

Inta aanu qofku bilaabin waa in heerka luqaddiisa finishku ahaataa A1.3.

Waxaay qaadanaysaa qiyaastii 1,5 sano.

Qaybta dhammaynta

maaddooyinka la baranayo waxaa weeyaan luqadda finish, ingiriis, xisaab, aqoonta aragtida nolosha, taariikh, aqoonta bulshada, fiisigis, kemisteri, bayoolaji, juyuqraafi iyo aqoonta caafimaadka.

Inta aanu qofku bilaabin waa in heerka luqaddiisa finishku ahaataa A2.1

Waxaay qaadanaysaa qiyaastii 1,5 sano.

Cidda aay ku socoto

Waxbarashada dugsiga dhexe ee dadka waawayn waxaay ku socotaa soo galootiga da’doodu ka wayntahay 17 sano. Waxbarashadu ma laha da’ sare oo aanan lagu dhigan karin.

  • marka aad dhammayso qaybta dhammaynta waxaad heli kartaa shahaado dugsi dhexe oo finnish ah waxaana kuu bannaan in aad sii dalbato waxbarasho dambe
  • waxaad buuxsan kartaa waxyaabaha kaaga dhiman shahaadada dugsiga dhexe ama waxaad kor u qaadi kartaa buundooyinkaaga
  • waxaad sidoo kale diyaarin kartaa koorsooyin gaar gaar ah
  • waxaad baran kartaa akhriska iyo qoraalka iyo af finnishka

Macluumaad dheeri ah oo dalbashada ku saabsan waxaad ka heli kartaa bogga qaybtiisa midig meesha laga dooran karo dalbo waxbarasho

Sinua voisi myös kiinnostaa