Dugsiga dhexe ee dadka waaweyn

Aikuisten perusopetus (esite somaliksi)

Application time starts soon!

Application period is open 25.3.-24.4.2024 for our courses that start in August 2024.

Apply here!
Hakuaika
25.03. - 24.04.2024
Toteutustapa
Päiväopetus
Toimipiste
Tampere Santalahdentie
Opinnot alkavat
08/2024

1)
Waxbarashada dugsiga dhexe ee dadka waawayn waxaay u kala qaybsantahay saddex qaybood: qaybta barashada wax akhriska, qaybta bilowga iyo qaybta dhammaynta. Waxaad waxbarashada ka bilaabaysaa qaybta adiga kugu habboon waxaana laguu qorayaa qorshe waxbarasho oo gaar kuu ah. Waxbarashada waxaa ku jira hagitaan waxbarashada ah iyo barashada xirfada nolosha shaqada.

2)

Qaybta barashada wax akhriska 

waxaa la baranayaa luqadda finishka, xisaab, aqoonta bulshada iyo dhaqanka, juyuqraafi iyo saysansiska iyo maaddoyin si xor ah loo dooran karo. Hiigsigu wuxuu yahay in la gaadho heerka aqoonta wax akhriska iyo wax qoraalka oo loo diyaariyo qofka in uu sii wadan karoo waxbarashada dugsiga dhexe qaybtiisa hore.

Uma baahnid aqoon luqadda finishka ah oo hore.

Waxaay qaadanaysaa sanad dugsiyeedka oo dhan.

3)

Qaybta bilowga

maadooyinka la baranayo waxaa weeyaan luqadda finishka, ingiriis, xisaab, aqoonta bulshada iyo dhaqanka, juyuqraafi iyo sayansis, aqoonta caafimaadka iyo maaddoyin si xor ah loo dooran karo.

Inta aanu qofku bilaabin waa in heerka luqaddiisa finishku ahaataa A1.3

Waxaay qaadanaysaa qiyaastii 1,5 sano.

4)

Qaybta dhammaynta

maaddooyinka la baranayo waxaa weeyaan luqadda finish, ingiriis, xisaab, aqoonta aragtida nolosha, taariikh, aqoonta bulshada, fiisigis, kemisteri, bayoolaji, juyuqraafi iyo aqoonta caafimaadka.

Inta aanu qofku bilaabin waa in heerka luqaddiisa finishku ahaataa A2.1

Waxaay qaadanaysaa qiyaastii 1,5 sano.

5)


Cidda aay ku socoto

Waxbarashada dugsiga dhexe ee dadka waawayn waxaay ku socotaa soo galootiga da’doodu ka wayntahay 17 sano. Waxbarashadu ma laha da’ sare oo aanan lagu dhigan karin.

  • Marka aad dhammayso qaybta dhammaynta waxaad heli kartaa shahaado dugsi dhexe oo finnish ah waxaana kuu bannaan in aad sii dalbato waxbarasho dambe
  • Waxaad buuxsan kartaa waxyaabaha kaaga dhiman shahaadada dugsiga dhexe ama waxaad kor u qaadi kartaa buundooyinkaaga
  • Waxaad sidoo kale diyaarin kartaa koorsooyin gaar gaar ah
  • Waxaad baran kartaa akhriska iyo qoraalka iyo af finnishka
Videolla aikuisten perusopetuksen opiskelija kertoo kokemuksiaan koulutuksesta suomeksi ja somaliksi. Ohita video

6)

Dalbo waxbarasho


Waxaad waxbarashada ka soo dhex dalban kartaa internetka adiga oo u madaxbannaan.
Halkan ka xareyso dalbkaaga dugsiga dhexe ee dadka waawayn (linkigu wuxuu furanyahay kaliya wakhtiga dalbashada)

Kaalay maalinta hagitaanka iyo dalbashada, haddii aad rabto caawimaad ku saabsan xaraysashada dalabka. Annaga ayaa kaa caawinayna doorashada koorsada kugu habboon.

Kooxaha cusub waxaa la bilaabaa Oogast iyo Jannaayo, wakhtiyada la soo dalban karana waxaa laguugu sheegayaa boggan. Qaybta wax akhriska iyo qaybta bilowga ah koorsooyin gaar ah oo la socda haddii aad rabto waxaad ka waraysan kartaa hagaha waxbarashada.

7)

Doorashada ardayda

Maalinta imtixaanada doorashada waxaa lagu soo sheegayaa boggan.

8)

Hirgalinta

Waxbarashada maalintii.

Waxbarashada waxaa la hirgalinayaa maalmaha shaqada oo dhan, isniin illaa jimce.

9)

Qiimaha

Waxbarashadu waa lacag la’aan.  Qalabka waxbarashada iyo cuntaduna waa lacag la’aan.


10)

Wayddi macluumaad dheeri ah


TreduNavi hakupalvelu
Iimayl tredu.haku@tampere.fi
taleefan 040 170 5649
avoinna ma 9-15, ti 12-15, ke-pe 9-15


Hagaha waxbarashada
Tarja Kyttälä
taleefan 040 056 2120
Iimayl Tarja.Kyttala@tampere.fi

Nala soo xidhiidh haddii aad u baahato caawimaad ku saabsan buuxinta dalabka.
Tredun Osaamiskeskustiimi
www.tampere.fi/oske
Iimayl tredu.oske@tampere.fi
taleefan 040 749 2429